Dagaal la isku waaberiistay oo xalay ka dhacay Bariire & Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degaanka Bariire oo hoos taga degmada Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose halkaasoo maalmo ka hor ciidamada Danab ay ka saareen xoogaga Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa qarxay markii Xoogaga Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe weerar culus ku soo qaadeen ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka ayaa sheegay iney maqlayeen qaraxyo waaweyn iyo rasaas culus oo la isku weydaarsanayo degaanka kuwaasoo ay sheegeen iney cabsi iyo argagax ka qaadeen, una diideen iney ladaan hurdada.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa soo gaaray illaa saaka Waaberigii, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu ahaa kii ugu cuslaa uguna waqtiga dheeraa ee degaankaas ka dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu joogsaday saaka aroornimadii markii xoogaga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ay dib u laabteen, waxaana ka dhashay khasaare nafeedoo labada dhinac soo gaaray inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada gaashaandhiga Somalia ayaa sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid Al-shabaab ay ku doonayeen iney dib ugu qabsadaan degaanka Bariire, balse ay ku hungoobeen markii ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada Danab ee Maraykanku tababray, dhinaca Al-shabaab ma jiro hadal ay soo saareen oo ku saabsan dagaalka xalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -