(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyey Garowe

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb gelaya Shirka Wadatashiga Qaran ayaa caawa maqribadii soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne K/xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan iyo bogaadin ugu istaagay boqollaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada Garoowe, kuwaas oo lulayey Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayey ereyo ay ku muujinayeen jacaylka ay u qabaan Dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, si loo helo wadashaqayn iyo iskaashi buuxa oo waxtar u leh Dowladnimada iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shirar wadatashi iyo is xog-waraysi ah oo ku aaddan horumarinta iyo xasilinta dalka la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaaray magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow), Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -