Maxaa ka soo baxay shirkii RW Khayre iyo Madaxda K/Galbeed & Hirshabelle? (Sawirro)

Iyadoo magaalada Garowe ay ku sugan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedayda Dalka ayaa waxaa waxaa kulan gaar ah yeeshay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo laba ka mida madaxweynayaasha madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynayasha HirSabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Lafta-Gareen ayaa ugu tegay Ra’iisal wasaare Kheyre halka uu ka degan magaalada Garowe, iyadoo kulan gaara yeeshay.

Waxay wararku sheegayaan in labada maamul Goboleed ay si buuxda u taageero siyaaaddeed  ugu muujiyeen dowladda Federaalka, iyadoo dowladu u muuqato iney isbaheysi siyaasadeed ka dhex sameysatay Madaxda dowlad goboleedyada si ay u yeelato miisaan ay kaga hortagto maamulada siyaasad ahaan ka soo horjeeda sida Puntland, Ghalmudug iyo Jubbaland.

Sadexdan Maamul ayaa ka soo horjeestay sharcigii doorashooyinka ee uu dhowaan ansixiyey golaha wasiirada Somalia, hase ahaatee Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo xiriir dhow la leh dowlada dhexe ayaan qaadin talabadaasoo kale.

Kala qeybsanaanta madaxda dowlada goboleedyada oo haatan u muuqda kuwo u qeybsan labi garab ayaan la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo shirka wada tashigaah ee beri ka furmaya Garowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -