Ciidanka Booliska oo Muqdisho ka sameeyey howlgal dad badan lagu xirxiray

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay baaritaano ka sameeyey xaafadaha degmada Waaberi ee Gobolka Benaadir.

Baaritaanka ayaa waxaa uu si gaar ah u sameeyey inta badan xaafadaha degmada Waaberi oo ciidamadu ay guri guri u galayeen.

Howlgalkaasi ayaa la sheegay in dhalinyaro badan lagu soo qabtay, kuwaasoo la iskugu geeyey xarunta Maamulka degmada Waaberi, waxaana la sii daayey markii dambe qaar ka mid ah dadka soo xiray halka kuwo oo laga shakiyeyna loo wareejiyey xarumaha amniga ee dowlada si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waabari iyo Taliska Booliska Soomaaliya, iyadoo maalmihii dambe ciidamada Booliska Soomaaliya baaritaano ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -