Kenya oo dib u dhigtay fulinta heshiis ay la gashay dowlada Somalia (Sababta)

Dowlada Kenya ayaa dib u dhigeysa dib u furista xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sababo la xiriira mowjado weeraro ah oo ay ku eedeysay Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki in marka hore wax laga qabanayo kororka ku yimid weerarada Al-shabaab ka geysato degaanada ku teedsan xadka.

In ka badan 10 qof ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan labada dal bishii lasoo dhaafay, taasoo qeyb ka ah sida ay dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ay sheegeen inay socdaan dadaallo ay Al-Shabaab ku dooneyso inay Kenya ciidamadeeda ugala baxdo howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

“Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha gabagabada ah ee dib loogu furayo xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabtoo qabto mowjadaha weerarrada argagixisanimo iyo dambiyada xudduudaha” ayuu Kindiki kusoo qoray Twitter-ka.

Labada dowladood ee Somalia iyo Kenya ayaa bishii May waxay ku heshiiyeen in dib loo furo muddo 90 maalmood gudahood ah dhowr xaruumood oo xudduuda ah oo ay ku jiraan Mandheera, Liboi, iyo Kiunga, kuwaas oo xirnaa tan iyo 2011 markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -