Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland oo ansixiyey heshiiskii dekeda Berbera (Akhriso)

Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa ansixiyey heshiiskii lagu qeybsaday saamiga maalgeshiga dekeda Berbera ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeysa.

Qoraal uu soo saaray golaha wakiilada Somaliland ayaa sidoo kale lagu cambaareeyey go’aankii shalay ka soo Baarlamanka federaalka Somalia ee dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ee dalka Imaaraatka Carabta.

War-saxaafadeedka ka soo baxay golaha wakiilada Somaliand ayaa u qornaa sidatan:-

1-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka ka soo saaray dekadda Berbera.

2-Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale

3-Golaha waxaa uu taageeray heshiiska heshiiska maalgeshiga Berbera.

4-Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran.

5-Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika kuwa keenni kara xasilooni darro .

6-Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -