Sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada

Nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha Al Shabaab gaar ahaan kuwooda qaraxyada qaabilsan ayaa maanta isku oo dhiibay ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Yuusuf Ahmed Cadow oo kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab uu xiriir lasoo sameeyay taliska ciidanka Milatariga ee ku sugan Garbahaarey kadibna isku soo dhiibay.

Saraakiisha ciidanka Milatariga ayaa la sheegay in gacanta ku hayaan ninkan isku soo dhiibay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay soo dhaweenayaan dadka kasoo baxa Al Shabaab loona sameenayo dhaqan celin.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale degmada Doolow ee gobolka Gedo iyana lagu soo bandhigay labo nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen jabhadaha Al Shabaab, kuwaa oo iyana isku soo dhiibay ciidanka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -