Talooyin ku socda Madada Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada Somaliland

Inta aanan u gelin talooyinka aan siinayo Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay la galeyso maamulka Somaliland ee ay wax ka dhistay Jabhaddii SNM ee qeybta ka ahayd dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, Aan marka hore ka waramo muhiimadda ay leeyihiin wadahadaladan iyo danta ay ka leeyihiinba kuwa majaraha u hayo maamulka Somaliland ee liddiga ku ah himiladii Soomaaliweyn ee na lagu soo barbaariyey.
Wadahadaladan, Ayaa muhiimad gaar ah u leh Dowladda maadaama ay uga golleedahay sidii ay u fiyoobeyn lahayd qaar ka mid ah dadka reer Waqooyiga oo ay dhibaatooyin badani ka soo gaareen dowladdii u danbeysay ee uu madaxda ka ahaa AU Maxamed Siyaad Barre. Taasi oo sidoo kale dhibaatooyin kuwaasi la mid ah u geysatay beelo kale oo Soomaaliyeed oo haatan aan dalbaneyn in dalka la kala gooyo maadaama la dhibaateeyey.

Wadahadaladan, Ayey sidoo kale Dowladda uga golleedahay in ay kula heshiiso maamulka Somaliland, Si uu uga qeyb noqdo hanaanka federaalka ee ka jira dalka oo haatanba ay ku jiraan dad badan oo reer Waqooyi ah, Si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka, Islamarkaana looga baxo kala qeybsanaanta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalada sokeeye sida wax la’aanta baahsan oo kale.
Qaddiyaddan, Ayaa waxaa sidoo kale daneynayo dhinacyo badan oo Soomaali ah sida dadka ku abtirsada beelaha Dhulbahante, Warsangali, Samaroon iyo waliba kuwa kale oo badan, Kuwaasi oo aan la dhacsaneyn qaabka ay Dowladda Federaalka u wajaheyso qaddiyaddan oo mararka qaar aad mooddo in maamulka Somaliland ay siineyso xaq uusan kaligii lahayn maadaama uusan ku hadli karin magaca dadka reer Waqooyiga oo dhan.

Dadka ku abtirsada beelahaasi, Ayaan intooda badan dooneyn fikraddan gooni-isutaagga maadaama aysan waxba ka tabaneyn Soomaalida inteeda kale, Laakiin waxay waayeen hiil uga yimaada kuwa majaraha u hayo Dowladda federaalka. Maxaa dhici lahaa haddii dhowr sano ka hor la taageeri lahaa dadka ku abtirsada Khaatumo iyo Maakhir oo doonayey inay deegaanadooda ka dhistaan maamul hoostaga Dowladda Federaalka ?

Ma garaneysaan waxa ku xanbaaray Prof. Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr inay u galaan maamulka Somaliland ee go’doonka ah ? Ma garaneysaan sababta keentay in la waayo shacab Soomaaliyeed oo meel isugu yimaada, Kuwaasi oo Dowladda Federaalka ku taageera wadahadalada ay ku jirto, Halka maamulka Somaliland ay daba socdaan taageerayaal badan oo waliba aad u xamaaseysan ?

Waxaa sidoo kale jira daraf kale oo muhiim ah (beesha caalamka), Kaasi oo Isagana daneynayo wadahadaladan fadhiidka ah, Si loo helo heshiis guud oo loo dhan yahay. Darafkan, Ayaa ka baqayo in kala daadashada Soomaaliya ay fursad cusub siiso xooggaga Islaamiyiinta oo ay ka go’an tahay la wareegidda Soomaaliya oo dhan muddaday doontaba ha ku qaadatee, Si ay uga dhisaan maamul xooggan oo Islaami ah.
Haddii aan markan u galo danaha guracan ee uu maamulka Somaliland ka leeyahay wadahadaladan. Anigu, Waxan qabaa inay tahay farsamo uu ku doonayo inuu kaga go’a Soomaaliya inteeda kale maadaama horay loogu soo fashilmay wadooyinkii kale ee la isticaamaalayey mudada dheer sida xodxodashada Caalamka IWM ah. Taasi oo runtii Caalamkiina ka gadmi weysey sababo badan oo jira awgood.
Hadabo, Markii lagu soo hungoobay wadooyinkii kale, Ayaa la doorbiday in lala hadlo Dowladda Federaalka oo Iyada qudheedu dooneysey in la wada hadlo, Si looga helo ictiraaf fudud ama wax keeno ictiraaf danbe balse uma dhicin sidii la rabay.  Waana sababtaasi sababta ay wadaxaajoodyadu u qaboobeen. Dowladda Federaalka, Ayaan diyaar u ahayn in ay ku khamaarto midnmada dalka iyadoo qancineysa maamul ama beel Soomaaliyeed.

Sidan soo sheegeyba, Maamulka Somaliland kama dhexraadinayo wadahadaladan in laga heshiiyo waxyaabihii ay bi’iyeen dowladihii dalka soo maray, Ka dibna la wada dhisto wax la wada leeyahay. Bal waxa ay doonayaan waa qaabkii ay uga go’i lahaayeen Soomaaliya inteeda kale, Iyagoo markan u marayo wadahadallo iyo wadaxaajood maadaama lagu soo hungoobay qaabkii kale ee kali-socdka ahaa. Alahuma damir man qasamanaa.
Marka  hadalka soo koobo, Maamulka Somaliland wuxuu tijaabinayaa farsamooyinkii uu uga go’i lahaa Soomaaliya inteeda kale, Kuwaasi oo laga soo koobiyeey khidado lagu kala jaray dalal dhowr ah sida Suudaan oo kale. Balse waxa ay ilaaween in farsamooyinkaasi aysan ka shaqeyn karin Soomaalida dhexdeeda maadaama Soomaalidu ay ka duwan tahay dadyowgaasi. Tusaale ahaan, Soomaalidu waxay wadaagaan diin, af, dhaqan iyo waliba taariikh.
Kala duwanaan la’aanta ka dhex jirta gudaha dadka Soomaalidu, Waxay keentay in Beesha Caalamku ay u aragto mishkiladdan mid daakhili ah, Taasi oo laga doonayo Dowladda Federaalka inay u raadiso xal rasmi ah oo lagu dhameeyo tabashada ay qabaan guud ahaan dadka reer Waqooyiga, Gaar ahaan beesh Isaaq oo aad uga tabaneyso taliskii Maxamed Siyaad. Waana sababtaasi sababta keentay in Somaliland la ictiraafi waayo.
Nasiib wanaag, Dowladda Federaalka ayaa fahamsan farsamooyinka iyo wasaa’isha loo isticmaalayo qaabkii looga go’i lahaa Soomaaliya inteeda kale. Waxay sidoo kale fahamsan tahay in haddii albaabkan la furo ay noqon dooto dhamaadkii Soomaali oo uu dalkan kala furfurmi doono. Waana sababtaasi sababta aan u maleynayo inay dabadheereyneyso wadahadalada, Si loo gaaro marxalad la isticmaali karo waxyaabo kale oo aan wadahadalada ahayn.
Haddii aan u soo laabto nuxurka qormadeyda oo aan talooyin ku siinayo Dowladda Federaalka oo ku aaddan wadahadalada ay la galeyso maamulka Somaliland ee u badan halka reer. Anigu, Waxaan qabaa in aad looga taxadiro qaabka loo galayo wadaxaajoodkaasi, Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo u ekaan kara inay wadahadlayaan sidii labo dal oo kale, Taasi oo hadhow keeni karta shalaay iyo dhibaato aan laga soo waaqsan.

Waxaan kaloo qabaa in wadahadaladaasi laga fogeeyo dhammaan shisheeye noocuu doonaba ha noqdee marka laga reebo dowrka fududeynta oo kaliya. Maadaama mishkiladdani ay tahay mid daakhili ah, Hadabo waa inay ku koobnaataa Soomaalida oo qura, Si looga fogaado khiyaanadii ku dhacday dowladda Suudaan oo kale. Taasi oo ay ku sameeyeen dalal Carab ah sida Masar oo kale.

Si loo gaaro yoolka laga leeyahay wadahadaladan, Hadabo waa inay Dowladda Federaalku diyaarisaa qorshe dhameystiran oo ay ku wajaheyso guud ahaan dadka reer Waqooyiga, Gaar ahaan dadka taageersan maamulka Somaliland oo wax badan tabanayo. Qorshahaasi oo isugu jira raaligalin, awood qeybsi iyo waliba abuurid Soomaaliya cusub. Suurtagal ma’ahan runtii in af maran lala hortaagnaado dad wax tabanayo.

Ugu danbeyn, Waxan kula talinayaa Dowladda inaysan aqbalin dhexdhexaadin shisheeye cidday doontaba ha ka timaadde. Waxan kaloo kula talinayaa inaysan marna ogolaan wax la yiraahdo afti gaar ah oo laga qaado dadka ku hoos nool maamulka Somaliland. Halka dhinaca kalena la soo dhaweynayo beelaha Dhulbahante, Warsangeli, Samaroon iyo waliba kuwa kale ee ka soo horjeeda aragtida gooni-isutaagga si ugu danbeyn ay uga qeybqaataan Plan B-ga.

Ugaadana inaan la isu cafin doonin marka ay wax soo gaaraan muqadasaadka Umadda Soomaaliyeeed sida diinta, midnimada dalka iyo waliba wadajirka dadweynaha Soomaaliyeed ee muslimka ah. Alaahumma hal balaqtu ? Alaahumma fashhad.
W/Q: Maxamed Ibrahim
iidka1@hotmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -