Gudoomiye Yariisow & Xildhibaan Fiqi oo ereyo kulul isku weydaaraday Baraha Bulshada

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamanka Somalia iyo Guddoomiye C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa baraha bulshada isku weydaarsaday weerar iyo jawaab celin oo siyaasadeed

Dagaalkan ayaa bilowday markii Xildhibaan Fiqi uu ku baaqay in la joojiyo canshuurta laga qaado dadka Muqdisho mar haddii la diiday isla xisaabtankii, isagoo taageeray tallaabada uu qaaday hanti dhowrka ee lagu hakiyey koontooyinka maamulka gobolka Banaadir isagoo Yariisow ugu baaqay inuu ogolaado isla xisaabtanka iyo xisaab celinta.

Fiqi oo weerarka bilaabay ayaa qoraalkan hoose soo dhigay bartiisa facebook

“Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo.

Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”.

Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin”

Ka dib waxaa ka daba qaatay oo jawaab taxadar uu ka muuqdo ka bixiyey Gudoomiye Yariisow oo isna bartiisa facebook soo dhigay qoraalkan hoose.

Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991-dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN”

Intaas ka dib xildhibaan Fiqi ayaa mar kale bartiisa facebook soo dhigay qoraal kii hore ka kulul oo ula jeeday Gudoomiye Yariisow kaasoo sidan u qornaa”

Fallaartani gilgilisho kaagama harayso mudane Guddoomiye

Guddoomiye Abdirahman Omar Osman Yariisow waa dadaalay laakin tani ma ahan wax lagu difaaci karo diidmadaada In la xisaabiyo canshuurta shacabka gobolka Banaadir ay minishiibiyada aad qoryaha u dhiibtay, dharka ciidankana loo geliyey ay kaaga aruuriyaan .

Canshuurta wax adeeg ah looguma qabto dadka laga qaado, In la ogaado jeebabka ay gasho iyo musuqa lagu bixiyo waa lama huraan, waxaana dhamaaday waqtigii maaweelada caruurta iyo isla xisaabtan la’aanta..

Waxa fiican Mudane Guddoomiye In aad jawaab ka bixiso warqadda hantidhowraha qaranka iyo eedaynta laguu Soo jeediyey ee ah inaad diiday xisaabcelintii canshuuraha gobolka Banaadir laga qaado, wixii kale oo aad sheegayso waqtigeeda iyo munaasabadeeda.

mahana markii ugu horeysay ee labadan masuul ka dhex qarxo dagaal dhinaca baraha bulshada la isku adeegsanayo, iyadoo xildhibaan Fiqi uu ka mid yahay siyaasiyiin mucaarad ah oo dhaliila talaabo walba oo ay qaadaan madaxda dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -