Dr Hashem Moazenzadeh oo lagu riday xukun adag iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Dalka Iran waxaa wali ka socda maxkamadeynta dadka lagu eedeenayo in ay ku lug lahaayeen dibad baxyadii dowladda looga soo horjeeday ee ka dhacay qeybo badan oo kamid ah Dalka Iran.

Maxkamad kutaalla dalka Iran ayaa xukun xabsi 4-sanno ah ku riday Dr. Hashem Moazenzadeh oo ahaa dhaqtar ku taqasusay qaliinada guud , waxaana dhaqtarka maxkamadda ku heshay in uu qeyb ka ahaa dibad baxyadii dowladda ka dhanka ahaa.

Dr. Hashem Moazenzadeh oo ah dhakhtar sidoo kale bulshada u dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa qabtay ciidamada sirdoonka Iran oo ku eedeeyay in uu wax ka waday abaabulka bannaan baxyada rabashadaha watay ee Iran ka socday.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Dr. Hashem Moazenzadeh  kusoo rogay inuusan muddo 2 sano ka bixi karin dalkaasi iyo inuusan xubin ka noqon karin Xisbi ama Kooxo siyaasadeed ama bulsho, haddii lagu helana uu muteysan karo ciqaab dheeraad ah.

Xukuno dil iyo xabsiyo isugu jira ayaa lagu riday dad badan oo lagu helay in a ku lug lahaayeen dibad baxyadii kacdoonka ahaa ee looga soo horjeeday dowladda, waxaa sidoo kale hadda xiran oo maxkamadeyntooda socotaa dad kale oo dacwado lagu soo oogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -