Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khamiistii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo siyaasadeed uu la yeelanayo masuuliyiin iyo diblumaasiyiin kala duwan.

Sheekh Shariif ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta safaarada dowlada Kenya ku leedahay magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula kulmay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay wehliyeen xubno katirsan Xisbigiisa ay ku jiraan Xildhibaano labada aqal katirsan ayaa safiirka Kenya kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dhaq dhaaqyada uu wado Xisbiga Himilo Qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mudo kadib dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa durba si weyn magaalada looga dareemay joogitaankiisa iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed uu wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Safiirka Mareykanka kala hadlay Mucaaradka K/Galbeed?

Caydiid Ali

R/W Kheyre oo kormeer shaqo ku tegay xarunta Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kheyre oo Saacado badan kadib ka hadlay Weerarkii lagu hoobtay ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---