Shiikh Shariif oo si kulul u Weeraray dowlada Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Madaxweynayaashii hore ee Somalia ayaa maanta si kulul weeraray hab dhaqanka iyo siyaasada ay dalka ku hogaamineyso dowlada uu hogaamiyaha yahay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaan laga aamusi karin xaaladda dalku ku sugan yahay xilligan ee amniga, siyaasadda iyo dhibaatooyinka jira, taasina aysan macnaheedu ahayn in la dhaleeceeyo dowlada hadda jirta.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu ballanqaaday doorashadii Farmaajo kadib inuusan ka daba hadlin dowladda, taasina uu weli ku taagan yahay balse hadda uu meteleyo xisbi siyaaasadeed.

Wuxuu soo qaaday in si doorasho loo galo loo baahan yahay in dastuurka KMG ah la dhammeystiro ”

“Waxaan soo marnay 21 sano oo xukun milateri ah, dhowr iyo labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, 10 sano oo kumeel gaar ah, maanta waxaa noo dhisan dowladdii labaad markii laga baxay Kumeel gaar, marka waa in aan is weydiinaa, xagee soo gaarnay iyo meesha aan joogno, dalkan wuxuu u baahan yahay axsaab siyaasadeed, afkaar siyaasadeed oo cusub oo ka gudbisa marxalada 4.5.” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Shariif ayaa hadalkan ka jeediyey xafladda daah-furka xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran wuxuuna xusay inaan loo baahneyn in hay’adaha dowladda ay hal meel ku ururaan ee loo baahan yahay in hay’ad waliba shaqadeeda gudato

“Waxaan ognahay in amniga magaalada Muqdisho iyo dalka guud ahaan hoos ayuu u sii dhacayey, Ciidamadeenu ma yara, waxaa na caawiya ciidamo kale, magaaalada inay sidan u xirnaato iyadoo amnigii aanu jirin, waxaan aaminsanahay in dib loogu laabto arrintas, hay’adaha amniga waa inay shaqeeyaan, dadkuna ay taageeraan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu kaloo ka haldlay inuu aaminsan yahay in Al-Shabaab lala dagaalamo oo aanu ogeyn sabab loola heshiiyo Shabab oo canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho, wuxuuna soo jeediyey in dagaal dhab ah lagu qaado.

Sheekh Shariif ayaa tiriyey fashilka dowladda Federaalka ka heysta arrimo badan, sida xiriirka dibadda, maamul Goboleedyada, Amniga, xiriirka dowladaha deriska iyo arrimo kale, wuxuuna sheegay inaan la iska aamusi karin inta waxa kasta burburayaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -