NISA oo soo bandhigtay fanaan ka tirsanaa DF oo qirtay inuu ka mid yahay Al-Shabaab (Video)

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa shaacisay iney qabatay fanaan ka tirsanaa kooxda maamulka gobolka Banaadir oo la shaqeynayey ama ka mid ahaa Al-shabaab.

NISA ayaa barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab.

“Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa dabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”. ayaa lagu yiri qoraal kooban oo NISA ay soo saartay caawa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA FANAANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -