Kim Jong un iyo Putin oo markii ugu horeesay kulmay iyo Heshiis la gaaray (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Ruushka, waxa uuna kulankii ugu horreeyay la yeeshay  Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Labada Hogaamiye ee Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka  ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada wadan iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

War laga soo saaray aqalka looga arimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye kawada hadleen arimo xasaasi ah ay kamid tahay hubka nukliyeerka iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisada gacanka Kuuriya.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in labada wadan ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, waxa uuna xusay in uu ku faraxsan yahay sii xoojinta xiriirka labada wadan ka dhaxeeya.

“Waxaan ku kalsoonahay booqashada aad ku timid Ruushka, waxay tani naga caawineysa in aan xallino dhibaatooyinka ka taagan Gacanka Kuuriya iyo sida Ruushka uu uga qeyb qaadan doono taageeridda geeddi u socodka nabadda ee gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Booqashada Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kuuriya ku aaday Ruushka ayaa kusoo aadaya xili wadahadlo ay yeesheen Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo kan Mareykanka aytsan kasoo bixin natiijooyin wax ku ool ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -