Xubno kamid ah Milatariga la wareegay Xukunka Sudan oo lagu qasbay in ay is casilaan

Dalka Sudan waxaa wali ka taagan xasilooni daro dhinaca siyaasada ah, kadib markii xilka xoog looga tuuray Madaxweynihii dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir, waxaana xukunka dalkaasi la wareegay Hogaanka Milatariga.

Sadex kamid ah golaha Milatariga dalka Sudan ee talada la wareegay ayaa lagu qasbay in ay is casilaan, waxaana xubnahan hada is casilay la sheegay in ay aad ugu dhawaayeen Madaxweynaha xilka laga tuuray ee Al Bashiir.

Horjoogayaasha dadka banaan baxa dhigayay oo la kulmay golaha Milatariga Sudan ee xilka la wareegay ayaa ka codsaday in ay is casilaan xubnahan aadka ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Sudan.

Afhayeenka Militariga Sudan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah

Golaha Milatariga dalka Sudan iyo hogaamiiyaasha dibad baxayaasha ayaa maalmihii lasoo dhaafay lahaa kulamo looga hadlayay sidii xaalada loo dejin lahaa looguna wareejin lahaa talada dalka dowlad rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -