Madaxweyne Farmaajo oo Careysan Dalkaan Ma Samatabixin Karaa ?

Intiina sida dhow ula socota hab dhaqanka ugub ah ee ku cusub saaxada siyaasadda dalka durba waa ay haleeli karaan su’aashani jawaabteeda, waxaase rabaa in kuwa jawaabtaas MAYA aan nala qabin inaan sharraxaad ka siiyo sababta aan ugu yeeray Mudane Maxamed Farmaajo hoggaamiye careysan.

Maalinkii axadda ah ee 21-04-2019 ka furitaanka shirkii culimada ee Xamar madaxweyne Farmaajo khubad dheer oo socotay ku dhowaad 15 daqiiqo ayuu madasha ka jeediyay taasoo uu kaga hadlay culeysyada dowladdiisa heysta xilligani iyo arrimaha siyaasadda. ee Madaxweyne Farmaajo Gacantiisa iyo Afkiisa ku sameeyey mudadii uu xilka hayo.

Fallanqeynteeydani waxaa ku eegayaa khudbaddaasi madaxweynaha, dabcan intiina dhagaysatay ama daawatay hadalkii madaxweynaha gebigiisba wuxuu ahaa mid iska hor imaanaya.

Tusaale fudud waxaa weeye akhristayaal in madaxweynaha uu eedeeyay mucaaradka kuna tilmaamay kuwa wax duminaya, isweydiintu ma xumee, Alshabaabka dagaallama isagu waa mucaarad ceynkee ah haddii baarlamaankii labadiisa aqal ay noqdeen kuwa wax dumiya?!

Tan kale madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday culeeys maaliyadeed oo heysta xilligani dowladda uu hoggaamiyo, sida aad ka warqabtaan labada sano oo dowladdani ay talada dalka heyso waxaa jira dhaqaale badan oo malaayiin dollar ah kuwaasoo caalamka uu ku yaboohay, maxaa madaxweynaha uu u caddeyn waayay halka ay ku baxeen kharashaadkaasi.

Tusaale ahaan 50-kii Malyan ee Sacuudigu ugu deeqay Soomaaliya iyo malaayiinta kale oo deeq bixiyeyaasha ay ku taageereen dib u dhiska dalka.

Halkaa waxaa iiga muuqanaya inuu jiro musuq baahsan oo u baahan in baaritaan caalamiya ah ay ku sameeyaan hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha  ee dunida.

Sida aragtideeyda siyaasadeed ay sheegeyso, ugu yaraan waxay ahayd in madaxweynuhu shacabka uu u sharraxo halka ay xukuumaddiisa ku bixisay dhaqaalahaasi kaddibna qeylodhaanta dhaqaale yarida uu shaaciyo.

Dalkii waxaa ka taagan khilaafyo siyaasadeed oo ragaadiyay hiigsiga dowladnimo ee Soomaaliya, labada sano ee madaxweyne Farmaajo xukunka uu hayo in khilaafku uu circa isku sii shareero maahee ma jirin wax la xalliyay iyo tallaabo xagga isu soo dhowaanta ah horay looga qaaday.

Waxaa meesha ka maran sida aan arkayo xasilooni siyaasadeed madaxweynahana diyaar uma ahan gaaristeeda.

Buuqa Siyaasadeed ee gudaha: dhawr Qodob oo muhiima!

1- Dowladda iyo dowlad goboleedyada oo wali heshiinin

2- Labada gole ee baarlamaanka oo aan wada shaqeynin

3- Arrimaha dib u eegista dastuurka oo khilaaf uu hareeyay

4- Doorashooyinkii rajada shacabka ahaa oo naxuusay

5- Ammaankii caasimadda oo faraha ka baxay

6- Ciidankii dowladda oo xuquuq la’aan ka cabanaya

Buuqa siyaasadeed ee dibadda:

Khilaafka Siyaasada iyo xiriirka caalamka!

1- Khilaafka Khaliijka oo dowladdu ay ku maareeysay rabitaankeeda

2- Xiisadda Kenya oo weli alloosan

3- Iskaashiga gobolka oo danaha Itoobiya suntan oo ay dowladda dhex booday

4- Cadkeennii Jabuuti walaalahayo oo la dhabar wareemay

Labo Sanno oo ay jirtay Dowladda uu Hoggaamiyo Farmaajo waxay si cajiib ah oo aan horey loogu arag Siyaasadda Soomaaliya, ay Madaxyada ugu garaacatay Darbiyo Siyaasadeed oo Dalka iyo Dibediisa ah, waxaana ay go,aan ka yaabiyay Caalamka ka qaadatay Khilaafka khaliijka, Iyadoona ku dhawaaqday inay dhex-dhexaad ka tahay, waxaase ay garab muuqda u muujisay Dowladda Qatar, taas oo ay ku cadowsatay Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta.

Xaalka siyaasadeed ee waqtigan!

Madaxweyne Farmaajo wuxuu meesha ka saaray Shirka amniga Qaranka oo ay ku tashan jireen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, isagoona Siyaasadeeyay Deeqihii Caalamka ee Soomaaliya, Sidoo kale ka dhigay Qaar ay ku shubtaan Akoonada isaga iyoXulufadiisa iyo kuwo lagula dagaalamo nidaamka Federaalka.

Burburka Shirka Amniga Qaranka waxaa uu sababay in lagu guuldareysto Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna xoogeysato Al-Shabaab,

Sidoo kalena ay is muujisay Kooxda Daacish oo haatan isku balaadhinaysa Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii looga adkaaday DegaanadaPuntland ayna saameeyeen Howlgalada la dagaalanka argagixisada ee ay Wadaan Ciidanka Puntland ee isugu jira Daraawiish-ta, PMPF iyo PSF, kuwaas oo si joogta ah uga socda Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxaa uu la yimid Oraahyo cusub oo uu ugu gafayo Madaxda Talada la wadaagtay sida (Siyaasiyiin Xanaaqsan), Isagoona meesha ka saaray Dadaaladii Hormarinta Dowladnimo ee ay sameeyeen Madaxdii ka horeysay, sababayna inuu si doorasho ah ku hoggaamiyo Dalka, wuxuuna shaki geliayay Qabsoomida Doorasho Sanadka 2021-da, maadama Dowladiisu aysan cadeyn Illaa hada inay ku fashilantay in dalka ay gaarsiiso Doorasho Dilmuquraadiya ama Qof iyo Cod.

Waxaa taas ka sii daran oo walaaca iminka la qabo uu yahay arrimaha doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo tan madaxweynaha oo ballanku uu ahaa 2021-ka in doorasho hal cod iyo hal qof ah ay dhacdo balse ay muuqato in wadadeedii aanan la haynin.

Waxa ahayd in madaxda dalka ay caddeeyso qaabka ay noqonayso doorashada 2021-ka, haddii aynaan jirin dibindaabyooyin u qarsoon.

Gunaanad:

Waxaan fallanqeynteyda ku soo koobayaa, madaxweynaha sharafta leh waa inuu shacabka ka fahamsiiyaa hababka uu u isticmaalayo gaarista iyo hirgalinta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya,

waxaa muhiim ah in madaxweynuhu uu wax ka beddalo qaababka uu u wajahayo arrimaha dastuurka, amniga, federaalka iyo doorashooyinkaba si dalka uu u gaaro xasilooni siyaasadeed iyo xasilooni amni.

Dawlada Madaxweyne Farmaajo maxaa laga bur buriyey oo ay  hirgalisay waa in wax la iska waydiiyaa ?

  Xukumada Raysal wasaare khayre arimaha dastuurka amniga. dhismaha ciidanka sameynta lacag.iyo IWM waxba ka qaban hadii hogaanka Madaxweyne Farmaajo

Khaladkiisa loo Tilmaamo wuxuu dalkii iyo dalkii ku Tilmaamay waa shacab xanaaqsan iyo siyaasiyiinta Xanaaqsan.

Hada waxaa sax ah in  Madaxweyne Farmaajo uu Noqday hogaamiye ka Carooday Xaqiiqda dalka ka jirat ee khilaafka siyaasadeed ah caro darteed uu u arko Horumar  la gaaray labada sano ee xilka uu hayo.

F.G Qoraalkan Shabakada Allbanaadir Masuul kama ahan , waxa ay gaar u tahay qoraha ku saxiixan, waxa ayna Shabakada mar walbo diyaar u tahay gudbinta aragtida siyaasadeed ee kala duwan.

W/Q Danjire Maxamed Maxamuud (Caalim),  aqoonyahan wax ka Qora Dawlad wanaaga iyo khilaaf yada siyaasada ee somalia

Deggan: Magaalada Helsink ee dalka Filand
Xidhiidh: Caalim68@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -