Ciidamada Nabad sugida oo gacanta ku dhigay xubin katirsan Amniyaadka Al Shabaab

War kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen xubin katirsanaa amniyaadka Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceelasha Biyaha.

Qoraalka kasoo baxay Hay’ada NISA oo lasoo dhigay bar Twitterka ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in si nabad galyo ah u dhacay howlgalka lagu soo qabtay xubintan katirsan amniyaadka Al Shabaab.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.

Hay’ada NISA ayaa horey u sheegtay in  habeen hore howlgal qorsheesan sidoo kale kusoo qabteen xubin katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa degmada Shibis, waxa ayna NISA sheegtay in ninkaasi dilal kala duwan ka geestay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -