Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano kamid noqonaya Baarlamaanka Somalia oo maanta la dhaariyay (Akhriso Magacyada)

Waxaa maanta xarunta Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Sadex Xildhibaan oo kamid noqonaya Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sadexdan Xildhibaan ee maanta la dhaariyay ayaa siyaabo kala duwan loogu soo doortay magaalooyinka Jowhar , Kismaayo iyo Muqdisho, waxa ayna Xildhibaanadan badaleen Xildhibaano horey u geeriyooday iyo Xildhibaan  kale oo booskiisa waayay.

Xildhibaanada ayaa maanta lagu dhaariyay Munaasabada furitaanmka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhaariyay Xildhibaanadan Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka.

Mudanayaasha maanta loo dhaariyay in ay kamid noqdaan Aqalka hoose ee Baaralmaanka ayaa kala ahaa ,Xildhibaan Fatxi Siciid Xasan, Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Sh. Siraaji  iyo Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bushaaro Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaliyed wakhtiga summer-ka

Cabdi Cade

(Akhriso) Jadwalka doorashada Aqalka sare ee gobolada Woqooyi oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Telefishinka Aljazeera oo Maxkamada ICC u gudbiyey dacwad ka dhan ah Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---