Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Galmudug oo la doortay (Yaa ku guuleystay)

Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey codeynta Wareega 1aad ee doorashada gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Galmudug.

Xilka gudoomiye ku-xigeenka 1aad waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah C/llaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim.

Tirinta codadka ka dib waxaa doorashada gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Galmudug ku guuleystay C/llaahi Xirsi Maxamed sida uu shaaciyey gudoonka ku meel gaarka ah ee Baarlamanka Galmudug.

C/llaahi Xirsi Maxamed ayey guushu ku raacday 59 cod, halka musharaxa laga guuleystay ee Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim uu helay 29 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Waxaa haatan la guda galayaa doorashada Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug oo ay ku loolamayaan labada musharax ee kala ah Axmed Maxamed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa loo doortay saacado ka hor gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Galmudug kasoo dhowaan loo dhaarin doono xilka cusub ee loo doortay.

La soco natiijada doorashada gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -