Bakhaar hub ugu keydsanaa maamulka Galmudug oo saakay gubtay

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay uu gubtay bakhaar ku dhax yaalay saldhig ay leeyihiin ciidamada maamul goboleedka Galmudug.

Bakhaarka gubtay ayaa ku yaala Deegaanka  Docol oo qiyaastii magaalada Gaalkacyo u jir 40KM, waxaana dabka la sheegay in uu qabsaday saldhiga ciidamada Galmudug ku lahaayeen deegaankaasi gaar ahaan Bakhaarka hubka ku keydsanaa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dabka markii uu dhacay kadib qaraxyo laga maqlay bakhaarka uu hubka ku gubtay, waxaana daminta dabkaasi adkeeyay cabsi laga qabay qaraxyada ay sameenayeen hubka gubanayay.

Maamulka Galmudug ayaan wali wax war ah kasoo saarin keydka hubka ee saakay gubtay iyo hadii ay jiraan khasaaro ka dhashay, waxaana la filayaa in maamulka saacadaha soo aadan arinan ka hadlaan.

 

- Advertisement -