Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Madaxweyne ka ah dalka Afrika kuyaala oo Fadeexo lasoo daristay 

Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Mauritia Ameenah Gurib-Fakim ayaa lagu wadaa in xilka si deg deg ah isaga casisho, kadib markii ay kusoo baxeen fadeexooyin la xariira wax isdaba marsi.

Ameenah Gurib-Fakim ayaa lagu helay fadeexad la xariirta in ay sameysay musuq maasuq maaliyadeed, waxaana Haweeneydan lagu ogaaday in kaar uu bangi sameeyay si sharci daro ah lacago ugula bixi jirtay. Akoon Hay’ad Samafal

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa fadeexadna kusoo baxday Ameenah oo ah gabadha kaliya ee hada Madaxweyne ka ah dal kuyaala Afrika, waxaana la filayaa in maalmo kadib in ay iska casisho xilka Madaxweynaha.

Ra’isul Wasaaraha dalka Mauritia Pravind Jugnauth, ayaa xaqiijiyay jiritaanka eedeemaha lagu soo eedeeyay Madaxweynaha, waxa uuna cadeeyay in ay is casili doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ameenah Gurib-Fakim ayaa iska beenisay eedeemaha musuq maasuq ee lagu eedeeyay, waxa ayna tilmaantay in sheekadan ay tahay mid siyaasad ka dambeyso oo sharafteeda wax loogu dhimayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo beenisay in Mucaaradka loola jeedo amarka hubka looga joojiyey Garoonka Aden cadde

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ka hadlay masiibadii xalay ka dhacday Magaalada Jigjiga

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo si aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---