Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Weerar dhimasho & dhaawac sababay oo xalay ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Somalia ayaa la dilay mid kalena waa la dhaawacay ka dib weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii askari la sheegay inuu ka tirsanaa milatariga uu rasaas ku furay ciidamo Boolis ah oo socod roondo ah ku jiray sida ay wararka nagu soo gaareen.

Askariga weerarka fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamadii ay waxyeeladu soo gaartay loola cararay goobaha Caafimaadka.

Falkan ayaa loo malaynayaa inuu daba socdo iska horimaadyo todobaadkii la soo dhaafay labo jeer ku dhexmaray magaalada Muqdisho ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska  Soomaaliya kuwaasoo sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay jiraan saraakiil iyo ciidamo loo xiray falalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Nin Asal ahaan kasoo jeeda Falastiin oo Madaxweyne ka noqday dal Kuyaala Qaarada ….

Cabdi Cade

Zelensky oo si kulul uga hadlay falal argagax leh oo ay ku kaceen ciidanka Ruushka

Caydiid Ali

UK oo maanta bilaabeysa raafka muhaajiriin loo tarxiilayo dal kuyaalla Qaarada Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---