Al Bashiir oo lagu xiray xabsi uu ku xiri jiray Siyaasiyiinta dowladiisa Mucaaradka ku ahaa

Madaxweynihii xukunka xooga looga tuuray ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu xiray Xabsiga caanka ah ee Kobar oo kuyaala magaalada Khartuum ee caasimada dalkaasi.

Al Bashiir ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray ku jiray xabsi guri, waxaana Madaxweynaha hada lagu xiray xabsiga Kobar uu Al Bashiir intii uu xilka hayay ku xiri jiray Siyaasiyiinta mucaaradka.

Ciidamo badan oo katirsan Milatariga dalka Sudan ayaa la geeyay xabsiga lagu xiray Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir si amaankiisa u ilaaliyaan, waxaana xabsiga lagu xiray Al Bashiir sanado badan ku xirnaa siyaasiyiin caan ah.

Xubno kamid ah Qoyska Madaxweyne Al Bashiir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in xabsiga Kobar lagu xiray Madaxweynaha, waxa ayna xubnaha qoysa kamid ah ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xaalada uu hada ku sugan yahay.

Milatariga xukunka dalka Sudan xooga kula wareegay ayaa shaaciyay in madaxweyne Al Bashiir ayaan lagu wareejin doonin maxkamad iyo dowlad shisheeye, waxa ayna sheegeen in gudaha Sudan lagu maxkamadeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -