Dayuurad ku burburtay garoonka Lukla Airport iyo dad ku dhintay (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku dhimatay dayuurad ku burburtay saaka dalka Nepal, waxaana loo arkaa in garoonka uu shilkaasi ka dhacay uu ka mid yahay garoomada dayuuradaha ee ugu halis badan dunida.

Dayuuradda ayaa ka baxday dhabaha ay dayuuraduhu ku ordaan ee garoonka Lukla Airport waxayna ku dhacday diyaarad kale.

Dhabaha oo aad u yar iyo buuro waaweyn oo ku hareeraysan ayaa sababta iney diyaaraduhu ku adkaato degida iyo duulida garoonkan.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa duuliyihii diyaaradda iyo labo askari oo waddada diyaaradda ka ag dhawaa, saddex ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Labada diyaaradoodba waxaa lahaa shirkado gobolka Everest geeya dadka buuraha kora, dalxiiseyaasha iyo dadka degaanka.

Ma cadda waxa sababay shilka Sabtidii, masuuliyiintuna waxay sheegeen in cimiladu ay wanaagsanayd duulimaadyaduna ay sidii caadiga ahaa u sii socdaan balse baaritaan ayaa socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -