Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xiliga loo tartamayo kursigii uu baneeyey Madaxweyne Laftagareen oo la shaaciyey

Doorashada qaar ka mid ah Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka baarlamanka Somalia ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo sida uu shaaciyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Labada kursi ee loo tartamayo ayaa waxaa baneeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornel Ruush) oo dhowaan geeriyooday.

Guddiga ayaa ku wargeliyay musharaxiinta u tartamaya labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April ayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis 10-qodob ka kooban oo maanta lagu kala saxiixday Xeraale (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ruushka iyo Ukraine oo iska burburiyay kaabayaal dhaqaale xilli Trump uu …

Cabdi Cade

Guulaha iyo Horumarka howlaha doorashooyinka ka gaaray Rooble oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---