Madaxweyne Gaas oo Qado Sharaf u sameeyay Agaasime Koofi iyo Wafdi uu Hogaaminayay

Madaxweynaha  Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qada sharaf u sameeyay Agaaasimaha Guud Hay’adad Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Koofi iyo wafddi uu hoggaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal, ahna caasimadda Puntland.

Mas’uuliyiintani  ayaa ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka darista, gaar ahaan qeybta kaga beegan deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa Madaxweynaha Puntland ka dalbaday in loo fududeeyo shaqooyinka ay sarakiisha Hay’addu ka hayaan deegaanada Puntland oo la xariira arrimaha Socdaalka, Basaboorka iyo diiwaan galinta ajaanibta ku sugan Deegaanada dowlad Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyb Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka heyso deegaanada Puntland, waxaana uu tilmaamay in Hay’addan ay ka mid tahay Hay’addaha afarta ah ee sida tooska ah u hoos taga Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -