Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda oo Heshiis Is-afgarad kala saxiixday (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sawirro: Laftagareen oo dhoollatus ka sameeyay Baydhabo xilli Duufaan siyaasadeed ay…

Cabdi Cade

Kulankii Baarlamanka Somalia ee maanta oo baaqday & Magacyo la akhriyey

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo ka hadashay Go’aankii kasoo baxay Maamulka Israa’iil

admin
Taboola Ads ---