Shiikh Shariif: “Taag-darida dowlada hadda jirta ayaa igu dhalisay inaan Siyaasada ku soo laabto”

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaciyey inuu xilka dalka ugu sareeya u tartami doono doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan sanadka 2020.

Shiikh Shariif oo la hadalay Jariidada The Standard ayaa sheegay in taag-darida hogaanka Soomaaliya ee hadda jira ee dhanka dib u soo noolaynta Nabadda iyo Amniga ay ku khasabtay inuu dib ugu soo laabto Siyaasadda.

Shiikh Shariif oo laba bilood ka hor aasaasay Xisbiga Himilo oo ah xisbi Siyasadeed ayaa sheegay in xilligii uu hayay Xilka uu dagaal kaga adkaaday Kooxda Al-shabaab, balse markii uu xilka ka dagay ay dib u soo labo kacleeyeen.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Mudadii uu kursiga fadhiyay oo ahayd intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2011 kii uu awooday inuu dib u soo nooleeyo nabada iyo rajada shacabka.

“Waxaan dadaal u geli doonaa sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan lahayd xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed oo intaas ku daray in talaabadaas ay tahay mida kaliya ee looga hortegi karo Al-shabaab.

Waa markii ugu horaysay oo Shiikh Shariif uu ula hadlo si adag hogaanka hadda ka taliya Soomaaliya, uuna ku eedeeyo soo celin la ‘aanta Amniga iyo nabadda wadanka.

“Calanka ayaan u qaadi doonaa xisbiga Himilo Qaran marka la gaaro doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -