Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo maanta si buuxda ula wareegeysa Ciidamada Imaaraatka u tababareen

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegeysa Ciidamada Milatariga ee tababareen dowlada Imaaraatka Carabta.

Waxaa maanta la filayaa in xarunta Wasaarada Gaashaandhiga lagu qabto munaasabada maalinta aas aaska ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana munaasabadaasi Dowlada kula wareegeysa ciidamada Imaaraatka u tababareen.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa sheegay in ciidamada Imaaraatka Tababareen yihiin ciidamo hoos taga dowlada Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in maanta si buuxda ula wareegayaan ciidankan.

“Ciidamada la tababaray sida ciidanka lagu tababaro Xerada Jeneraal Gordan Imaaraadka ay tababareen, waa ciidan ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, ciidankaasi numabaradooda ayaa la siin doonaa, mushaarkoodana dowladda Somaliya ayaa siin doonta, dowladda Somaliya xil ayaa ka saaran ciidanka, Mushaarka Imaaraadka ay bixinayeen waqti ayuu ku ekaa, waqtigiina wuu dhamaaday.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya

Ciidamada Dowlada Imaaraatka ku tababartay magaalada Muqdisho ayaa markii hore aan si toos ah u hoos tagageyn Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana ciidanka Mushaarkooda bixinayay Dowlada Imaaraatka Carabta.

Related posts

Iran oo ka carootay sawir uu baahiyey xiriirka kubada Cagta ee Mareykanka

Caydiid Ali

Muslimiin badan oo ka carooday calaamad jirkiisa ku xardhay Pete Hegseth

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo Wadahadalkii ugu horeeyay yeeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---