Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Go’aan cusub ay gaareen Xisbiyada UCID iyo Waddani (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco, ayaa xalay kulan la yeeshay odayaasha, waxgaradka, cuqaasha iyo madax-dhaqameedka gobolka Togdheer.

Kulanka uu madaxweynaha iyo waxgaradka reer Togdheer, ayaa diiradda lagu saaray is xogwaraysi xaaladda guud iyo midda gobolka ah, waxana ay madax-dhaqameedku madaxweynaha uga mahadnaqeen waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddiisu ka hirgelisay gobolka Togdheer iyo deegaannada hoos yimaadda, iyagoo xukuumadda ka dalbaday inay sii libin-laabto mashaariicda gobolku tebayo.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer ku ammaanay isku duubnidooda iyo midnimada dhexdooda ah, waxana uu kula dardaarmay inay sii wadaan wada-shaqaynta wanaagan ee ay xukuumadda la leeyihiin iyo kor u qaadista ka hadalka danta gobolka iyo midda Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay go’aanka cusub ee ay labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI ku gaadheen inay fuliyaan shuruudaha kaga xidhan guddida diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta mucaaridka ah, taas oo uu xisbiga UCID islamaantaba bilaabay oo uu Dokumentigiisii ugu wareejiyey guddida, waxana uu yidhi,“Buuqii siyaasadeed ee maalmahan taagnaa wuu soo ururay, wixii aynu isku haynayna laba arrimood oo maanta dhacay baa soo koobay, waa midda koowaade guddidii Komishanku xeerna wuu samaystay wuuna is doortay, waxa kale oo galabta dhacday in xisbigii UCID oo dokumentigiisii geeyey guddida diiwaangelinta, KULMIYE-na ilaa berri buu geynayaa Dokumentigii, WADDANI-na waa diyaar.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -