Allbanaadir.com
NEWS

Marwada Koowaad ee dalka oo Khudbad Qiiro leh ka jeedisay Munaasabad lagu xusayey 8-da Maarso (Daawo Sawiro)

Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalin ayaa ugu baaqday haweenka Soomaaliyeed inay sii labo jiraan dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Hadalkan ayey Marwada koowaad ee dalka ka jeedisay Munaasabad lagu xusayey maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso oo Muqdisho kla dhacday.

Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay halgankii dheeraa ee haweenka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xoriyadda, dowladnimada iyo nabadeynta, iyadoo muujisay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista nolosha haweenka Soomaaliyeed taasoo asaas u ah horumar muuqda oo ay ku tallaabsadaan dhammaan shacabka.

Marwo Saynab waxay ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan Bankiyada, inay haweenka dalka ku maalgeliyaan ganacsiga yar yar oo faa’iidada u leh qoysaska danyarta ah.

Marwada koowaad ee dalka ayaa ku adkeysay  haweenka iyo guud ahaan bulshada in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

“Waxaan idin ka codsanayaa in aad garab igu siisaan sidii ay mira dhal u noqon lahayd dadaalka ku aaddan sidii aan daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho ugu fidin lahayn hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Marwo Saynab waxay xaqiijisay in dadaallada ku qotoma waxbarashada, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ay mudnaan gaar ah siineyso, iyadoona ku garab istaageysa markasta hay’adaha dowliga iyo kuwa caalamiga ah.

Munaasabaddan lagu maamusayo Maalinta Haweenka Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddoonka Ururka Haweenka Qaranka iyo xubno kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa looga hadlayaa kulanka caawa u socda Cabdi Xaashi, Deni & Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Booliiska Ruushka oo qabtay Haweeney ka dambeesay dilka Vladen Tatarsky (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo ka hadlay sida loo xaliyey khilaafkii ka dhashay muddo kororsigiisa

Caydiid Ali