Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada maaliyada iyo qorsheynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray xabsi weyn oo Hargeysa laga dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

11 Musharax oo isku soo taagay doorashada gudoonka Golaha shacabka (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Halis cusub oo kusoo korortay magaalada Muqdisho iyo Ciidamo sabab u ah !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---