Thursday, April 25, 2024
Home Blog Page 3961

Al-Shabaab man sentence is reduced to 15 years

A 35-year-old man who pleaded guilty to being a member of Al-Shabaab terror group six years ago, will now serve 15 years in jail after the Court of Appeal quashed a life sentence imposed on him.

Elgiva Bwire Oliacha was lucky that the prosecutor during his trial failed to table in court a P3 form of two victims who suffered grievous harm during the attack at Kaka Bus stage on October 24, 2011.

GUILTY

Therefore, judges of the Court of Appeal ruled it is a basic rule of evidence in criminal law that an accused person must not be convicted of a criminal offence unless the court is satisfied that his guilt has been proven beyond reasonable doubt.

Justices Daniel Musinga, William Ouko and Gatembu Kairu noted that there was no proof of the existence or the nature of the injuries sustained by Patrick Ndolo Kanyingi and Justus Makau Mulwa.

They said that from the record, the degree or classification of injuries sustained by the two victims were supplied by the investigating officer and verbally communicated to the court by the prosecutor.

Chief magistrate Grace Ngenye (now a judge of the High Court) had sentenced Oliacha to life imprisonment for grievous harm and additional 15 years for engaging in organised criminal activity by being member of the outlawed terror group.

The court also sentenced him to seven years each for being in possession of firearms, hand grenades and ammunition.

When he first appealed before the High Court, Justice Msagha Mbogholi had directed that the sentences to run concurrently and not consecutively.

Oliach was arrested following the terror attack along Race Course Road in Nairobi. When the police interrogated him, he took him to his house in Kayole, they recovered an AK47 rifle, a sub-machine gun, 2 revolver pistols, 2 automatic pistols, 717 bullets, 1 SNG machine gun magazine and 13 hand grenades.

The court heard that Oliacha converted to Islam in 2005 and immediately tried entering Somalia to join Al-Shabaab. His first attempt failed and was returned at the border. He eventually succeeded to cross to Somalia through Liboi, on his second attempt.

He underwent training and was when he was qualified, he was dispatched to Kenya, where he settled in Kayole and started recruiting members.

The prosecution said he was the man who supervised and directed the twin attacks at Race Course Road.

The three judges dismissed other grounds of appeal stating that they were satisfied that Oliacha knew what he was doing as there was no suggestion that he was suffering from any disease of the mind.

He had also faulted the move to conduct proceedings at Nairobi Area police headquarters. “We are unable to find anything of unusual character to make us agree with learned counsel for the appellant that the plea was procured by fear of the environment at the police headquarters.

At no stage did the appellant complain of torture or mistreatment by the police. Neither did he exhibit any signs of confusion,” the Judges said.

They added that they found nothing objectionable to the holding of the proceedings at the police headquarters and the nature of exhibits required a place with sufficient security and where safety was guaranteed.

Oliacha had been charged together with Mr Omar Muchiri Athuman and Mr Stephen Macharia Mwangi, who pleaded not guilty.

Source: Daily Nation

Office Network Allbanaadir.com
Mugadishu-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

 G/sare Cabdi Naasir Xoosh oo maanta lasoo taagay Maxkamad Ciidamada Qalabka sida

Sargaal katirsanaa Ciidanka badda Soomaaliya oo dhawaan magaalada Muqdisho ku dilay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Badda Saciid Aadan Yuusuf (Saciid Mariino) ayaa lasoo taagay Maxkamada ciidamada Qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta  bilowday dhageysiga kiis dil ah uu geestay G/sare Cabdi Naasir Xoosh oo 18-kii bishii janaayo gudaha dekada Muqdisho ku dhax dilay Saciid Mariino.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa furay dhageysiga kiiska dacwada loo heestay sargaalkan katirsanaa ciidanka badda ee dilka u geestay taliyihiisa.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa horey loo soo taagay xukuno kala duwana ku riday saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada oo dad shacab ah iyo ciidamo kale dilal u geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray Duleedka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddi baaritaan u saaray kiiska dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray Guddiga uu magacaabay in baaritaan deg deg ah oo hufnaan iyo daah furnaanba leh ay ku sameeyaan habkii looga saaray dhul ku yaalla deegaanka KM 13 dadkii barakacayaasha ahaa ee daganaa.

Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in magacaabista Guddigan ay salka ku hesyo cabashooyin is-daba joog ah oo ay Gobolka u soo gudbiyeen dadkii barakacayaasha ahaa, iyagoona tilmaamay in lagula-kacay xad-gudub iyo gabood fal.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada xad gudubyada ka dhanka ah dadka nugul, iyadoona xoogga la saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo sharciga.

“Ma qaadan karno in dhagaha aan ka fureysanno tabashooyinka ay qabaan dadka barakacyaasha ah. Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan dhidibada u taagno hannaan ku saleysan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadinka. Si taas loo gaarana waa in aan tixgelinnaa dhammaan tabashooyinka ay qabaan bulshada ku dhaqan Gobolka.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddiga loo xil-saaray arrinkan ayaa ka kooban shan xubnood waxaana hoggaamineysa Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Marwo Basma Caamir Axmed, iyadoona xubnaha kale ay kala yihiin, Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, Zakiya Axmed Xuseen, Mahad Xuseen Axmed iyo Drs Hodan C/laahi Cali oo ka kala tirsan Hay’adaha xuquuqul Insaanka, Maamulka Gobolka iyo bulshada rayidka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Gantaal laga riday gudaha Siiriya oo bur buriyay Diyaarad ay leedahay Isra’il (Daawo Sawirro)

Diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F-16 oo ay leedahay maamulka Israa’iil ayaa bur burtay kadib markii lala helay gantaal nuuca lidka Diaaradaha ah oo laga riday gudaha dalka Siiriya.

Warbaahinta Israa’il ayaa ku warantay in diyaaradan dagaal ay duqeysay fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha Siiriya, waxaana markii dambe diyaaradan lagu bur buriyay gantaal lagu riday .

Labo Duuliye oo la socday diyaarada Israa’il ee la bur buriyay ayaa la sheegay in ay bad baadeen kuna dageen baarashood ay wateen, diyaaradan ayaana kusoo dhacday Waqooyiga Israa’iil.

Israa’il ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weeraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil.

Dowlada Siiriya ayaa war ay soo saartay laguna baahiyay Talefishinka dalkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada Difaaca cirka ee Siiriya ay gantaal la heleen diyaarad Israa’iil leedahay oo ku dhaqaaqday fal daan daansi ah.

Diyaaradaha dagaalka Israa’il ayaa marar badan duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Siiriya, waxa ayna diyaaradahan beegsadeen saldhigyo Ciidamada Siiriya ku leeyihiin gudaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -

Akhriso :Guulaha ay gaartay Dowlada Farmaajo iyo waxyaabaha ay ku fashilantay Sanadka 1-aad

Dawlada Fedaraalka Soomaaliya oo 18 sano jirsatay ayaa sanad u dhamaaday kadib hogaamintii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay iyo maanta lagu qiimeynayey wax qabadkii sanadkaas; guulo, dhaliilo, horumar iyo gaabis. Maxaa ka fulay balan-qaadkii Madaxweynaha iyo wixii laga filayey, maxaase fuli waayey?

Ma lagu qiimeyn karaa tiro la isku daro ama la kala jaro? Mise waxaa laga eegeyaa maxaa kusoo kordhay halkii aan joognay sanad ka hor? Maxaa laga gaabiyey? Maxaase loo baahanyahay in lagu kordhiyo sanadka cusub?

Hadii Madaxweynuhu uu balan-qaaday hawli cusub qaarna laga filayey, loona qeybiyo 4 sano xilkiisa waxaa laga rabaa 100 ÷ 4 = 25 ma xaqiijiyey 25% sanad?.

Hadii aan soo koobno waxyaabaha sanadkii dhamaaday ku cusub Siyaasada Somaliya ee Hogaaminta M. Farmaajo;

A. Guulaha la gaaray;

1. Xuska 8 Feberuary oo loo bedelay samafal iyo furitaan mashaariic horumarineed, lagana joojiyey xaflado iyo dabaal-degyo.

2. Markii ugu horeysay ee sanad u dhamaaday golayaasha dawlada iyada oo aysan jirin khilaaf iyo xasilooni daro siyaasadeed, sidii looga bartay dawladihii hore in sanad kasta ku dhamaado khilaaf iyo kana siib kana saar.

3. Kadib Madaxweyne Aadan Cadde oo Madaxweyne Farmaajo aqbalay awoodaha Golaha Wasiirada iyo R/wasaaraha una fasaxay R/wasaaraha in uu qabsado shaqadiisa Dastuurka.

4. Go’aan qaadasho ay ka muuqato geesinimo iyo awood dawladeed sida; go’aankii dhex-dhexaad-nimada khilaafkii Khaliijka iyo safarkii Gobalada ee laga kaaftoomay ilaalada AMISOM ee Ciidamada Somaaliyeed ku ilaaliyeen Madaxweynaha 1500 KM oo socod ah.

5. Ha’adaha iyo Wasaaradaha dawladda oo shaqada lagu xisaabiyey lana balanqaaday in Agaasime yaasha lagu xuli doono aqoon, karti iyo hufnaan.

6. Mushaarkii iyo xuquuqdii Shaqaalaha oo la bixiyey sida abaal marinta ay xukuumada ku siiyeen gudiga shaqaalaha Rayidka.

7. Xiriirkii dawlada iyo dadweynaha oo bilawday kadib safarkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug.

8. Khilaafkii awood qeybsiga ee Fedaraalka iyo dawlad gobaleedyada oo ku dhamaaday is faham iyo wada shaqeyn.

9. Dakhliga dawlada iyo mashaariicda horumarineed oo kordhay iyo Musuqii oo yaraaday.

10. Gobanimadii iyo Qabkii dawlad-nimo oo kordhay iyo far-gelintii shisheeye oo yaraatay.

B. Dhinacyada la dhaliilay lagana gaabiyey;

1. Amniga iyo dhismaha Ciidan qaran oo hanta amniga, ilaaliyana xuduudaha dalka oo bedela AMISOM.

2. Adeegyadii Bulshada ee daruuriga ahaa sida; Waxbarasho, Caafimaad, Biyo, Koronto, Jidad iwm oo aan wax badan laga qaban.

3. Dhismaha hay’adaha dawlada iyo kaadir hogaamiya oo laga gaabiyey.

4. Diyaarintii Dastuurka, Doorashada iyo Axzaabta Siyaasada oo dib u dhacday.

5. Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta dhaliila dawlada oo aan laga qeyb-gelin Talada dalka.

6. Dib u heshiisiinta iyo is dhex-galka Bulshada oo gaabis ah.

7. Wadahadalkii Somaliland oo dib u dhacay.

8. Fursadaha Xulafada iyo Isbahaysiyada cusub ee Gobalka iyo Adduunka oo aan si fiican looga faa’iidaysan.

9. Buuxinta Jagooyinka banaan oo daahday sida; Garsoorka, Wasiirada, Taliyaasha Ciidamada, Safiirada iyo Agaasime-yaasha, taas oo saameyn ku leh; Siyaasada, Amniga, Cadaalada, Diplomasiyada iyo Xiriirka, fulinta Mashaariicda iyo Hawl-maalmeedka Dawladda.

D. Hawlaha hor-tebinta leh Sanadka Cusub ee horyaal Dawladda;

1. Qabya-tirka Dastuurka, Doorashada iyo Axzaabta Siyaasada.

2. Horumarinta dhaqaalaha Dalka iyo xal u helida Deymaha Somaliya iyo Sameynta Lacag Somaali.

3. Wax ka bedelida Amniga iyo dhismaha Ciidan Qaran.

4. Balaarinta dib u heshiisiinta iyo xoojinta xiriirka gobalada iyo xal u helida kooxaha Siyaasada iyo Somaliland.

5. Balaarinta Adeegyada Bulshada iyo gaarsiinta Gobalada iyo Degmooyinka Dalka.

W/Q Dr Mohamed Nur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Daawo Sawirada: Tobankii gaari ee Aduunka ugu nashqada xumaa ee la soo saaro

Caalamka waxaa ku yaala shirkado waa weyn oo ku tartamaya soo saarista gaadiidka nuucyadiisa kala duwan, shirkadahan ayaana ah kuwa ku kala horeeya dhinaca soo saarista gaadiidka casriga ah.

Shirkadaha gawaarida soo saara qaarkood ayaa soo bandhiga gaadiid nashqado cusub leh oo si weyn loo jecleesto halka shirkadaha qaar ku fashilmaan nashqadaha gaadiidka soona saaraan kuwa aysan bulshadu la dhicin.

Waxaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa 10kii gaari ee ugu nashqadaha xumaa ee soo saaraan shirkadaha gaadiidka sameeya, waxaana gaadiidkan ku jira kuwa casri ah oo mardhaw la sameeyay balse nashqadahooda xumaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Donald Trump Oo Sabab U Noqday In Manchester United Qasaaro Lixaad Leh La Kulanto

Manchester United ayaa la dhibtooneysa qasaarahii dhaqaale midkii ugu weynaa sideedii sano ee lasoo dhaafay waxeyna tani timid markii Donald Trump uu dib u habeyn ku sameeyay canshuurta dalkiisa mareykanka.

Red Devils waxaa loo sheegay iney bixiyaan canshuur dhan 48.8 Malyan Oo Pound taasoo ka dhigan iney dhexda ka galeen qasaaro 29 Malyan oo Pound ah muddo lix bilood ah, sida lagu xaqiijiyay shirka ay khamisitii isugu yimaadeen maagashadayaasha kooxda.

Tani waxey ka dhigan tahay qasaarahii ugu weynaa ee soo gaara Red Devils muddo sideed sano ah, waxeyna dib u xasuusanayaan qasaaro lixaad leh oo soo gaaray 2010 markaas oo ay lumiyeen aduun dhan 65.8 Malyan oo Pound, waqtigaan oo kale sanadkii hore waxey xaqiijiyeen iney heleen faa’iido dhan 18.7 Malyan oo Pound.

Red Devils waxey fahamsan tahay iney kaliya ku eedeyn karaan Donald Trump kaas oo canshuur dheeraad ah kusoo rogay shirkadaha mareykanka taasoo keentay qasaaraha kooxda soo gaaray, waxeyna tani imaaneysaa xilli Donald uu isku dayayo inuu dhaqaajiyo dhaqaalaha dalkiisa.

Shirkado badan oo caalamka ah ayey saameyn ku yeelatay arintaan, sarkaalka ugu sareeya dhanka dhaqaalaha kooxda ayaana xaqiijiyay in arintaan ay tahay mid albaab kale u fureysa kooxda isla markaana ku jiideysa iney sanado kale dhaqaale fara badan sameeyaan.

W/Q Abdirashid Mohamud

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

David Sorensen oo Shaqada Aqalka Cad ka tagay kadib Fadeexad kusoo baxday

David Sorensen oo ahaa ninka Khudbadaha u qora Madaxwenaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa iska casilay shaqadii uu hayay Xafiiska Madaxweynaha , kadib fadeexad kusoo baxday.

Ninkan ayaa shaaciyay in uu ka tagay shaqadii uu ka hayay Aqalka Cad, waxaana ninkan is casilaadiisa la xariirtaa eedeyn loo soo jeediyay oo ku aadan in uu xaaskiisii hore ku tacadiyay dhibaatooyina u geestay ,

David Sorensen oo ahaa Sargaal sare oo katirsanaa Aqalka laga maamulo dalka Mareykanka ayaa iska beeniyay eedeynta loo soo jeediyay ee ku aadan in xaaskiisii hore ku tacadiyay.

Waa sargaalkii labaad oo isbuuc gudihiisa ka taga Aqalka cad, waxaana ka horeeyay xoghayaha shaqaalaha aqalka cad Rob Porter , oo isna shaqada ka tagay kadib markii lagu eedeeyay isna in uu tacadiyo u geestay labadiisa xaas.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Mareykanka oo Cuna-qabateyn Saaray Ganacsade Soomaaliyeed iyo Shirkado uu leeyahay

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.

Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Ganacsade Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah bey yiraahdeen doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Garawe (Akhriso)

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa Madaxda maamul goboleedyada dalka ku casuumay shir ka dhacaya 20-ka bisha soo socota ee Marso magaalada Garawe ee caasimada  Puntland.

Shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid wadatashi ah oo looga hadlayo arimaha Dowlad goboleedyada dalka iyo guud ahaan arimo khuseeyo dalka, waxaana warqada casuumada shirkan loo wada diray Madaxda maamul goboleedyada.

Halkan ka Akhriso Warqada Casuumada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

News in English

Let President Hassan complete his term with the mandates he was...

During President Hassan Sheikh Mohamud's tenure, along with his Vice, Prime Minister Hamze Abdi Bare, they successfully oversaw the completion of the constitution, aligning...

Xulka Allbanaadir

Ka farxi CIIDA Aabe Soomaaliyed oo musiibo ku habsatay & qoyskiisa...

Marxaladaha Nolosha Insaanka waxaa ugu qaalisan dhalinyaro-nimada oo ah xiliga ugu firfircoon ee uu qofka u shaqeysan karo, Maxaad u maleyneysaa xanuunka ay leedahay...

HINNA Jobs