Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo goor dhow dil ka geystay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley bastoolado ku hubeysan oo loo malaynayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta nin shacab ah ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dilka ka dhacay agagaarka guriga shaqaalaha, meel ku dhow Warta Siigaale, waxaana dad goob goob joogayaal ahi sheegeen in ninkan oo wadada iska lugeynayey ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Waxaa halkaas ka baxsaday ragga dilka geystay, iyadoo daqiiqado ka dib ay gaareen ciidamada amaanka oo halkaas ka wada howlgalo lagu baadi goobayo ragga wax dilay.

Ma cadda waxaa uu ahaa ninka la dilay iyo sababta rasmiga ah ee loo beegsaday, hase ahaatee waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ninkaas uu ka mid ahaa masuuliyiinta laamaha degmada Hodan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo tababar loo soo xiray

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo amar cusub siiyey golihiisa Wasiirada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo goob fagaare ah kula ciiday dad Shacab ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---