Qarax Daqiiqado kahor ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay laamiga aada Xarunta Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lala eegtay gaari ay wateen dad shacab ah oo wadada marayay.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay laamiga Dayniile gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Guutaale, waxaana qaraxa uu haleelay gaari nuuciisu ahaa Surf Tri Rz ay la socdeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo kamid ahaa dadkii gaariga la socday ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxa, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo booliis ah iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmada.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan oo kale shalay uu ka dhacay agagaarka Isgooska Baar Ubax .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -