Shacabka oo ka niyad jabsan hab dhaqanka Xildhibaanada Golaha Shacabka!!

Shacabka Soomaaliyeed ee kunool gudaha iyo dibadda ayaa si weyn uga sii niyad jabaya habdhaqanka Xildhibaanada golaha Shacabka ,kuwaa oo sii luminaya kalsoonidii ay ku qabeen shacabka ay sheegtaan in ay matalaan.

Xildhibaanadan oo intooda badan aan ku imaan rabitaanka dadka ay magac ahaan matalaan balse ku yimid lacago laaluush ah ay bixiyeen ayaa hada sii luminaya kalsoonida dadkii yaraa ee taageersanaa .

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga naxay habdhaqanka Xildhibaanadan kulankii ugu dambeeyay ee shalay ku yeesheen xarunta golaha shacabka, kulankaas ayaana kusoo dhamaaday foodo iyo buuq ay sameeyeen Xildhibaanada qaar.

Baraha bulshada ayaa dad badan aragtidooda kaga dhiibteen habdhaqanka xildhibaanada golaha shacabka, waxa ayna inta badan dadkii aragtidooda dhiibtay ka xumaayeen sida ay u dhaqmayaan Xildhibaanada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale kala garan la’ mid daacada ah ee shacabka u doodaya iyo midka kasoo horjeeda, waxaana Xildhibaan kasta oo hadla sheegayaa in uu ka shaqeenayo danta shacabka uu matalo una doodayo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid sii luminaya heybadii uu lahaa , waxa ayna inta badan Xildhibaanada noqdeen kuwa ka shaqeeya dantooda gaarka ah balse aan wax u qaban dadka ay magacn ahaa ku fadhiyaan kuraasta Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -