Ciidamo Daacad u ah Gen Haftar oo Dhowr Jiho ka galay magaalada Tripoli (Sawirro)

Ciidamo Milatari oo daacad u ah Gen Khalifa Haftar ayaa dhowr jiho ka weeraray magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya oo xarun u ah dowlada taagta daran ee aqoonsan yihiin Qaramada Midoobay iyo Wadamada Reer Galbeedka.

Wakaalada Wararka ayaa ku waramaya in ciidamada Milatariga uu hogaamiyo Gen Haftan ilaa sadex jiho ka galeen magaalada Tripoli, waaxaana ciidanka la sheegay in isku faafinayaan magaalada Caasimada ay hada qeybo kamid ah galeen.

Dagaal xoogan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday duleedka magaalada Tripoli waxaana hada dagaalka lasoo sheegayaa in uu gudaha ka socdo una dhaxeeyo ciidamada dowlada oo garab ka helaya maleehiyaad iyo kuwa uu wato Gen Haftar.

Maleeshiyaad taageersan dowlada fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa isku dayaya in ciidamada xoogan ee Milatariga ka hor istaagaan in ay gudaha usoo galaan magaalada Tripoli .

Madaxa Xukuumada Liibiya Fayez al-Sarraj oo khudbad ka jeediyay  Telefishinka Liibiya ayaa ku eedeeyay Jen Haftar in uu doonayo in uu xoog ku afgambiyo dowlada caalamku aqoonsan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in dagaalka la joojiyo wax walbana lagu dhameeyo wadahadal, hasa ahaatee baaqa Qaramada Midoobay ayaa wali hirgalin waxa uuna dagaalka kusii fidayaa goobo hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -