Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xassan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xassan ayaa la sheegay iney waxyeelo ka soo gaartay qarax lagula eegtay Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo siyaasigu degan yahay, inkastoo aan faahfaahin laga helin nooca uu ahaa qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xassan uu yahay mid culus, waxaana loola cararay goobaha Caafiamaadka.

C/llaahi Shiikh Xassan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Muqdisho ee sida weyn u taageersanaa dowladii uu hogaamainayey madaxweyne Farmaajo, isagoo si weyn u diidanaa hab dhaqanka mucaaradka.

 

- Advertisement -