Allbanaadir.com
NEWS

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyey arrin Somalia ku saabsan

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)

Golaha ayaa muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si Soomaaliya looga taageero hawlaha dib u kabashada ee ay dowladdu samaynayso.

“Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, maanta, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ee ku salaysan taageerada  dawlad dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya, muddo 12 bilood oo kale ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Shaqada Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa ku salaysan taageerada dawlad dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya.

Related posts

Puntland oo Shaacisay in Villa Soomaaliya ka shaqeeneyso bur burinta maamulkooda

Cabdi Cade

Iran oo digniin iyo hanjabaad adag hawada u marisay Israa’iil

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray Ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---