Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow abaarihii 7:00-dii fiidnimo iyo daqiiqado ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan.

Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee Booliska oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Waxaa loo badinaya in qaraxan loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, iyadoo la arkayey uuro iyo qaac daruuro la moodo oo cirka isku shareertay sida ay sheegeen dadka degmooyinka waaberi iyo Xamar jabab,

Dugsiga sare ee Booliska (Iskoolo Buluusiyo) ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee laga hogaaminayo ciidamada amniga ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, laamaha amaanka dowladana weli kama aysan hadlin.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Siyaasi shaaciyay Sababta keentay Rabshadii ka dhacday Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Xasan Sheekh”Banaanbaxa waa la qabanaa amnigana anagaa sugeyna Mana soconayso……”

admin

Muuse Biixi oo ka hadlay jabhad maamulkiisa kasoo horjeeda oo lagu soo dbaweeyay dalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---