Xildhibaan ku goodiyey in xubnaha ka soo jeeda Somaliland ku laaban doonaan Hargeysa

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka, horena u soo noqday wasiirka Gaashaandhiga Somalia ayaa ku hanjabay inay isaga baxayaan dowladda Soomaaliya, haddii aan xal loo helin arrinta Somalia iyo Somaliland.

Hadalkan ayuu ka jeediyey fadhigii Baarlamaanka ee maanta isagoo sheegay in meeshii ugu xumeyd ay marayaan wadahadalladii Somalia iyo Somaliland, kadib markii dowladda hadda jirta ay ka gaabisay arrintaasi

“Meel Xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo, hadii aan loo helina waxaan ku laaban doonaa Somaliland” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xildhibaanada kasoo jeeda degaanada Somaliland aysan ahayn shaqo-doon, balse ay u yimaadeen midaynta labada Gobal hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa.

“Xamar uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada Gobal haddii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonnaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -