Dowlada Somalia oo Shaqada ka ceyrisay Agaasime Taageere u muujiyay Isra’il

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad shaqada ka cayriyey C/llaahi  Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiskiisa.

Agaasime C/llaahi Axmed Dool ayaa shaqada looga ceeriyay kadib markii Qoraal ay ka carootay dowlada Soomaaliya ku baahiyay barta uu Twitterka ku leeyahay, waxa uuna Agaasimaha qoraalkaasi taageero ugu muujiyay Maamulka Yahuuda Isra’il.

Mr Dool ayaa Twitter-kiisa ku qoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Soomaaliya xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel, wuxuuna sheegay in Soomaaliya danteedu tahay inaan soo dhaweyno Israel.

Waxa kale qoraalkiisa ku sheegay Agaasimaha shaqada laga ceyriyay in Ururka Xamaas ay afduubteen dadka kunool Marinka Gaza, waxa uu sidoo kale shacabka Falastiin ku tilmaamay dad khasaaray.

Qoraalkan uu Twitterka ku baahiyay Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa si adag looga jawaabay, waxaana dad badan hadalka Agaasimaha ku tilmaameen mid doqonimo ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -