Al-Shabaab oo galabta afar nin ku toogatay goob fagaare ah (Magacyada)

Al-Shabaab ayaa galabta fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen rag lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowlada Somalia iyo kuwo shisheeye.

Maxkamadda Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa dil  ku xukuntay illaa 4 Nin oo lagu eedeeyey iney u kala shaqeynayeen sirdoonno caalami ah iyo kuwa gudaha.

Ragga xukunka dilka lagu fuliyey ayaa waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu sheegay Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 jir ah kaasoo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo shaqada loo xilsaaray ay aheyd in uu gudbiyo Nambarada telefanada saraakiisha Al-shabaab si loo duqeeyo, waxayna Al-shabaab sheegtay in arintaas lagu siiyey lacag 50 dollar ah.

Ninka labaad oo magaciisa lagu sheegay Cilmi Warsame Cumar oo 22  jir ahaa ayaa waxaa isna lagu eedeeyey inuu u u shaqeynayay hay’ad lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka UK uuna  u qaabilsanaa inuu sawirro ka soo qaado degaanka Booco ee gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale loo xilsaaray inuu diyaarado ku hago saldhigyada Al-shabaab intii uu shaqeynayayna wuxuu qaatay  lacag dhan 270 oo dollar Sida al-shabaab ay sheegtay.

Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 jir ahaa ayaa ka mid ahaa ragga la toogtay galabta, waxaana lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmooyinka Jalalaqsi iyo  Beledeyne shaqadiisuna waxay aheyd sida ay Al-shabaab sheegtay inuu diyaarado ku hago Mas’uuliyinta al-shabaab u qaabilsan gobolka Hiiraan, waxayna intaa ku dareen intii uu shaqeynayay inuu qaatay lacag dhan 477 dollar.

Ninka afaraad oo magaciisa la yiraahdo Max’uud Abuukar Xaaji oo 25 jir ahaa waxay Al-shabaab sheegeen inuu la shaqeynayay ciidanka sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, waxayna shaqadiisu aheyd inuu basaaso Saraakiisha Al-shabaab ee Sh/Hoose.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay goobta afarta nin lagu toogtay ayaa waxay sheegeen in qof kasta oo lagu helo inuu iyaga basaasayey lagu fulin doono xukun dil ah.

Al-shabaab ayaa marar badan degaano ka tirsan Koonfurta Somalia sidan oo kale xukuno dil ah ugu fuliyey dagaalyahano kooxda ka tirsanaa iyo dad kale oo ay ku eedeeyeen ineyu basaasayeen sirdoonka dowlada Somalia iyo kuwo shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -