Dad Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay degaanka Foslors

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Ganacsato Soomaali ah dil iyo dhaawac ugu geystay gudaha dalkaas, iyagoo intaasi ka dib goobta ka baxsaday.

Weerarkan ayaa ka dhacay goobo ganacsi oo Soomaalidu ku leedahay degaanka Foslors oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, waxayna dileen Muwaadin Soomaaliyeed halka laba kale ay dhaawaceen.

Dagaal kooban ayaa la sheegay inuu dhexmaray ganacsatada Soomaalida ah iyo kooxda burcada waxayna wararku intaas ku darayaan in mid ka mid ah kooxdii Burcada aheyd halkaasi lagu dilay.

Waa dilkii shanaad ee dad Soomaali ah loogu geysto dalka Koonfur Afrika 72 Saacadood gudahood, habeen hore ayeyna aheyd markii degmada Mamelodi oo hoos timaada magaalada Pretoria ee dalkaasi Koonfur afrika lagu dilay laba dhalinyarada Soomaali ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday meel habeen iyo maalin si bareer ah Soomaalida loogu dilo, waxaana sanadihii la soo dhaafay gudaha dalkaas lagu dilay Soomaali aad u fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -