Sheekada wiilkii yaraa ee Dhuudhuumashowga ku dhumay ee dalka kale laga soo qabtay!

Markii Fahim uu galayay kontaynarka si uu uga dhuunto saaxiibadiis, maanu fileyn inuu lix beri ku dhex jiri doono – dal aan dalkiisa ahaynna uu ku tagi doono. Waa wiilka ugu nasiibka badnaa taariikhda dhow dalka Bangladesh. Isaga oo saaxiibadiisa waxay cayaarayeen Dhuumashow markii uu isku dhex qariyay kontaynar kamid ah kuwa yiilay agagaarka marsada.

Laakiin wax walba waxay isku beddeleen geesta kale markii lagu xiray kontaynarka oo uusan helin cid ka furta. In kasta oo uu si fiican u geyshaday oo uu ka dhex cabaaday gudaha kontaynarka, haddana cidna ma maqal qeyladiisa. Wuuna ku dhex gam’ay markii dambe.

Lix berri ayuu cunno iyo cabitaan la’aan ahaa, wuxuuna ku jiray safar dhinaca badda ah oo uu lagu tagayay dalka Malaysia. Markii si kastaba uu gaaray marsada dal kale, saraakiisha ayay la yaab ku noqotay aragtida wiilkan yar ee kasoo baxaya kontaynarka.

Kolkii hore waxay moodayeen in lasoo qafaashay oo la doonayo in la iibsado ama laga ganacsado xubnaha jirkiisa. Balse markii tarjuman loo doonay ayuu Fahim uga warramay booliska xaaladdiisa dhabta ah iyo sababta ka dambeysa safarkiisa mucjisada ah.

Ku dhawaad 2,000 oo mayl ayuu soo jaray wuxuuna ahaa qof diihaalsan oo u baahan fuuqcelin maadaama uusan wax cunin maalmo iyo habeenno.

Waaxda socdaalka dalka Malaysia ayaa hadda qorsheynaysa inay dib ugu celiso da’yarkan dalkiisa hooyo ee Bangladesh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -