Dedaaladii sii deynta Mukhtaar Roobow ee IGAD & Siyaasiyiinta K/Galbeed oo guuldareystay

Waxaa fashil iyo guuldarro kuo dhammaaday shirar iyo dhaqdhaqaaqyo ka socday magaalada Nairobi oo la doonayey in lagu sii daayo wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo u xiran dowlada Somalia.

Shirarkan ayaa ku lug lahaa urur goboleedka IGAD iyo siyaasiyiin xilligii doorashada K/Galbeed la baxay (Isbedel-doon) oo ka horjeeday Shariif Xasan, balse markii danbe taageeray Sheekh Mukhtaar Roobow.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in kulamadan ay socon waayeen markii uu Nairobi isaga tegay maanta Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba.

Siyaasiyiinta la baxay ‘Isbedel-doonka ayaa waxay IGAD u jeediyeen qodobo ay ka mid yihiin in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo Mukhtaar Roobow. in dadkii ku waxyeelloobay qalalaasihii Baydhabo magdhow laga bixiyo iyo in lasoo dhiso xukuumad tayo leh

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka baaqsaday shir la filayey inuu Nairobi ka dhaco shalay, isagoo maantana ku laabtay magaalada Baydhaba, iyadoo wararku sheegayaan in madaxda dowladda Federaalka ay ka hor yimaadeen qorshaha IGAD iyo waxa ka socda Nairobi.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Caddaaladda, oo uu doorashada ku matalayay Mukhtaar, ayaa maamulka uu horkacayo Laftagareen ku eedeeyay iney uga baxeen heshiis isku soo dhawaansho ah oo horseedi lahaa in lasii daayo Roobow.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha laga dhowrayay inuu heshiis la saxiixdo siyaasiyiinta garabka Mukhtaar, ka hor inta uusan ka tagin Nairobi, balse taasi aysan dhicin.

Wasiirka warfaafinta KG ayaa ku gacan seyray eedeyntan, isagoo sheegay in madaxweyne Laftagareen ujeedada uu u tegay Nairobi ay aheyd sidii uu ugu qancin heyadaha samafalka qaarkood sidii ay u sii ambaqaadi lahaayeen mashaariicda ay ka wadeen degaanada KG, balse aysan qorshaha ugu jirin inuu ka qeyb galo shir lala galo siyaasiyiin ama uu ka qeyb qaato dhexdhexaadin ay IGAD waddo, wuxuuna wasiirki xusay in Mukhtaar uusan iyaga u xirneyn, ayna tahay in lagala xaajoodo cida uu u xiran yahay.

Sii deynta Mukhtaar Roobow waxaa hore u balanqaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo C/casiis Lafta-gareen bishii Janaayo 2019 hase ahaatee waxaa ka hor yimid caqabado ay ka mid yihiin shuruudo hoose oo dowladu ku xirtay sii deyntiisa iyadoo laga cabsi in haddii si fudud lagu sii daayo uu khal khal siyaasadeed ka abuuro Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -