Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Xijaar oo amar culus siiyey taliyeyaasha Saldhigyada ciidanka Booliska Muqdisho

Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta kulan la qaatay la qaatay saraakiisha hogaanada iyo taliyeyaasha saldhigyada Boliska Muqdisho

Jen. Xijaar ayaa kala hadlay saraakiisha uu la kulmay xoojinta amaanka caasimada Muqdisho iyo ka hortaga falalka amni darada.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ineysan ku lug yeelan khilaafaadka siyaasadda ee ka dhex aloosan madaxda sare ee dowlada, isla markaana aysan ku milmin arimaha doorashooyinka.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay xilli Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, sababo la xiriira kiiska dilka Ikraan Tahliil,  balse waxaa diiday xilka ka qaadistaas Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana arrintaas ka dhashay ismari waa iyo qalalaaase siyaasadeed oo dalku galay taasoo illaa hadda aan loo helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo hakiyey taageeradii uu siin jiray milateriga Somalia & Musuq maasuq soo shaac baxay

Caydiid Ali

Shir muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo Nairobi ka dhacay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Wadahadalo u socday Madaxweyne Deni iyo Kuxigeenkiiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---