Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Denmark oo ka hadashay xiisada ka dhalatay Heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi

Safaaradda dowladda Denmark ku leedahay Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay saaxiibada caalamka kula biireyso walaaca ay ka qabaan xiisadda ka taagan Geeska Afrika.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Denmark ayaa lagu cadeeyay in muhiim tahay in la ixtiraamo midnimada-dhuleed ee Soomaaliya, waxa ayna ku booriyeen xiisada taagan in wadahadal laga yeesho.

“Waxaan carabka ku adkeynaynaa ixtiraamka buuxda ee aan u hayno midnimada-dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhinacyada inay nabadda ilaaliyaan, oo ay raadiyaan wadahadal xal nabadeed waara loogu helo arrimaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaar kamid ah waddamada Caalamka ayaa si weyn uga hor-yimid heshiis beenaadka Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, waxa ayna ugu baaqeen dowladda Itoobiya in ay ixtiraamto midbimada-dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor-timid damaca Itoobiya ee ku aadan in ay hesho qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxa ayna dowladda arrimahan kala hadashay qaar kamid ah waddamada saaxiibada la ah Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waare oo wareejiyey lacag ka badan hal milyan & Boqol kun oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Ingiriiska oo 5 Milyan Dollar ku taageeraya Ciidanka Xoogga dalka

Cabdi Cade

Sacuudiga iyo Wadamo kale oo Go’aan kasoo saaray in beri la ciidayo iyo in kale 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---