Daawo Sawirada: Booqashadeedii Iskuulka Gurmad ee magaalada Dhuuso Mareeb

Dugsiga Hoose/ Dhexe ee Gurmad waa goob waxbarasho lacag la’aan ah oo laga hirgeliyay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Xaruntan oo ka kooban todobo qol ayaa waxaa wax ku barata in ka badan 300 oo arday  oo ka soo jeedo qoysas ku ceyrtoobey Abartii, kuwo agoon ah iyo kuwo dan yar ah, waxaana gacanta ku haya dhalinyaro mutdawiciin ah oo ka soo jeedo degaanka.

Booqasho aan ku tegey Iskuulka Gurmad ayaa waxaa ii suura gashay inaan la fariisto maamulha iskuulka Gurmad mudane Ciise Maxamed Axmed. Waxa uuna iiga sheekeeyey sidii ay shaqada Iskuulka ku bilabeen.

“Iskuulkan waxaa la furay dhamaadkii 2012-kii, Waxaana wax ku baran jirtay 600 arday, balse 2016-kii ayaa maamulka deegaanku waxey nalaga wareegeen dhismihii iskuulka oo markii hore ahaa dan guud , 2 sano kadib waxaan u guurnay guri kiro ah oo ka kooban Afar qol oo dhagax ah iyo sedex qol oo jiingad ah oo aan dib ka dhisnay, waxaana hada ganacta ku heynaa 300 arday oo laba gelin soo xaadirta”.

 Maamule  Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa ii sheegay in xaruntaan ay ka howl galaan todoba macalin oo laba ka mid ah ay gabdho yihiin kuwaas oo aan wax gunno ah helin afar ka mid ah sideedii bilood ee Iskuulku shaqeynayey.

“Dhibaatooyinka noogu daran ee hada na heysto waa kirada   guriga aan degan nahay iyo macalimiita oo aan mushaar u la’nahay, taasina waxa ay culeys iyo niyad jab ku abuuri kartaa macalimiinta”.

Ugu dambeyn Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulkan ayaa Ganacsatada, Hay’adaha Samafalka ee waxbarashda ka shaqeeya iyo bulshada ka soo jeedo deegaanka ugu baaqay inay taageero iyo garab istaag u muujiyaan sidii loo sii wadi lahaa waxbarashada caruurta soomaliyeed oo dhamaantood wada dan yar ah.

WQ.  Cabdinasir Xersi Iidle.

Naasirx1@gmail.com

Tel.0025261550397

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -