Maxaa ka jira in Ahmed Iman Ali (Abu Zinara) lagu dilay duqeyn ka dhacday Bu’aale?

Kenyan ka tirsanaa hogaamiyeyaasha sare Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ka mid noqday 40 dagaalyahan oo lagu diley duqeyn Jimcihii ka dhacday Magaalada Bu’aale ee gobolka J/Dhexe sida ay sheegeen warbaahinta Kenya oo soo xignaya saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkooda.

Ahmed Iman Ali (Abu Zinara) ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay weerar lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde 15kii Janaayo 2016 oo lagu diley in kabadan boqol askari oo ka mid ah milatariga Kenya.

Abu Zinara ayaa lagu diley magaalada Bu’aale 22-kii bishan 2019 kadib markii dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay gantaal la heshay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen magaalada Bu’aale duleedkeeda sida warbaahinta Kenya lagu daabacay.

Hogaamiyahan ayaa ahaa Injineer ka baxay Jaamacadda Jomo Kenyatta Universitry qeybta Beeraha, waxaana lagu daray liiska argagaxisada sanadkii 2012 isagoo ka mid ahaa ragga ragga sida weyn u taabacsan Al-shabaab.

Inkastoo Alshabaab ay qirtey in jimcihii ay duqeyn ka dhacday Bu’aale haddana ma jiraan weli warar madax banaan oo xaqiijinaya dilka hogaamiyahan, iyadoo ay aad u adag tahay in al-shabaab dhexdooda laga helo warar arintan la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -